26 March, 2025
Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya weerar saaka ka dhacay saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dabley hubaysan ayaa xiligii salaadda subax la tukanayey weerar culus ku qaaday saldhiga dhexe ee Boosaaso, dhawaaqa hubka la is-weydaarsaday ayaa laga maqlay inta badan magaalada.
Ilo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyey Horseed Media inuu weerarkaasi la xiriiro hub ay xalay ciidamada dowladu gacanta ku dhigeen.
Wali si rasmi ah looma oga tirada khasaaraha uu sababay weerarkaasi, laamaha amaankuna warbixin kama soo saarin dhacdada.
Horseed Media