Faallo: Madaxweyne dhaxalkaagi u tur!

Published: January 9, 2018

Maalinti Isniinta waxay ku beegneyd Sideedii Janaayo, waxay ahayd afar sano guuradii doorashadii Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas. Sideeda Janaayo waxay noqotey maalin ka duwan maalmaha kale, saddex jeer oo taariikhdu tahay 8, Janaayo waxaa Puntland ka dhacay doorasho Madaxweyne, waxaana is-bedalay afar Madaxweyne oo Puntland soo marey, taas oo ku dhacdey si nabadgelyo iyo dimoqraadiyad ah. Mar kale 8, Janaayo waxay noqotey maalin ay xusaan labadii Madaxweyne ee u danbeeyey ee Puntland soo mara, ma ahan maalin Qaran, ama maalin kamid ah maalmaha fasaxa ee dastuuriga ah, laakiin dhaxalkii aan ka soo gaarney Hantidwadaagii cilmeyeysnaa ayaa sababey in Madaxweyne xuso oo u dabaaldego maalintii guusha uu gaarey, ama uu la wareegay talada dalka inkasta oo maamulku ku tilmaamo maalin ay soo bandhigaan wax qabadkoodi, waxaase dadku is weydiyana waxa 8, Janaayo loogu beego iyada oo la sameeyo bandhig faneedyo iyo caweys xili danbe dhaca.

Si kastaba 8, Janaayo ee 2018 waa xuskii iyo bandhigii u danbeeyey ee maamulka Dr Cabdiweli Cali Gaas, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada Madaxweynaha Puntland ee dhacaysa 8 Janaayo 2019, haddaba waxaan qoraalkan kooban aan ku eegeynaa afartii sano ee la soo dhaafey iyo maamulka Cabdiweli Cali Gaas, wixii uu ballan qaadey afar sano ka hor, waxa la gudboon muddada xilkiisa ka harsan, iyo sida uu u ilaalin karo dhaxalka uu ka tegay.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu bulshada Puntland u ballan qaadey afar sano ka hor in uu wax ka qaban dono;

  • Adkeynta Amniga iyo dhismaha ciidanka
  • Kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha
  • Dib u habeynta caddaaladda
  • Hagaajinta nidaamka dowliga ah iyo hirgelinta barnaamijka Dimoqraadiyadda.

Maxaa lagu xasuusan doonaa Cabdiweli Cali Gaas?

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu ku guuleystey afartii sano ee la so dhaafey in uu Puntland ka hirgeliyo mashaariic aad u waaweyn oo qayb ka qaadan kara hormarinta dhaqaalaha, Madaxweynaha Puntland waxa uu xilka la wareegay iyada oo ay kala go’an tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe kadib markii bishii Diseembar 2013 biyo xoggan ay gooyeen halka loo yaqaan Buundada Midigar oo astaan u noqotey halkudhigii Madaxweynaha ee ahaa “isku-tashi” taas oo ahayd mashruucii u horeyey ee shacabka Puntland iyo maamulkooda oo iskaashanaya ay fuliyaan. Dr Cabdiweli Cali Gaas waxa uu nasiib u yeeshay muddo laba sano ah gudaheed in uu xariga ka jaro laba garoon oo caalami ah kaas oo ay ka soo degeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha hadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo labaduba ay ka qayb-qaateen munaasabadii furitaanka.

Waxyaabaha kale ee Madaxweynaha sida weyn loogu xusuusan dono waxaa kamid ah, waddada isku xiri donta Gobolada bari iyo Sanaag ee ka bilaamada Ceel Daahir (ex-Ceel-Dofaar) taas oo muddo dheer qorsheheedu soo socdey, waxaana ay noqotey mashruuc kale oo kamid ah noqda halkudhigga Madaxweynha ee ahaa “iskutashi”.

Afartii sano ee u danbeysey waxaa horumar weyn ku tallaabsadey qaar kamid ah magaalooyinka Puntland oo ay u horeyso caasimaddu, waxaana bilowdey kacaanka dhismayaasha waaweyn, Hoteelada sida casriga ah loo dhisey, waxaa magaalooyinka qaarkood ka faa’ideysteen barnaamijyada hormarineed waxaana Madaxweynuhu xariga ka jarey waddooyin aad u badan oo laami ah oo dhex mara magaalooyinka qaarkood. Inkasta oo baahida biyuhu taagan tahay markasta nolosha bini’aadamkuna ku xiran tahay biyaha ayaa Puntland laga qodey ceelal biyood ku dhaw 100 ceel afartii sano ee u danbeysey iyada oo maamulku ka faa’ideysanayo mashaariicda hormarineed ee saaxiibada Soomaaliya ku deeqeen, waxaa jira mashaariic kale oo badan oo maamulku taabo geliyey oo ay ka mid tahay dhisamayaasha waaweyn ee Wasaaradaha isugu tegey Waqooyiga Caasimadda ama halka loo yaqaan Buurta Dowladda.

Muxuu ku fashilmey Dr Cabdiweli Cali Gaas?

Siyaasi kasta waxa uu lee yahay himiloyin, barnaamijyo iyo isbeddel uu ka iibiyo shacabkiisa marka uu xilka u tartamaayo, shaki kuma jiro in Madaxweynaha Puntland uu ku fashilmey taabo gelinta qaar kamid ah himilooyinkii uu ballan qaadey.

Ugu horeyn afartii sano ee u danbeysey ma jirto wax Puntland u hagaagsaneyd oo hadda halaysantey, waxaase la dhihi karaa wax badan oo ka haleysnaa ama aan u hagaagsaneyn markii horeba ayaa sii xumaadey, wax badan oo la doonaayey in la hagaajiyona waxba lagama qaban.

Si guud Puntland waa meel amni ah oo aysan ka jirin dhibaato amni-darro weyn, oo caqabad ku noqon kara isu socodka iyo ganacsiga. Puntland wa gabal ama qayb ku taala Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye iyo kuwo fikir iyo danno gaar ahaaneed ku dhisan.

Afartii sano ee la soo dhaafey shacabka Puntland waxay arki waayeen himiladii, ballanqaadkii iyo rajo-gelintii Madaxweynaha ee ilaalinta xuduudaha Galbeed, dib u habeynta ciidamada daraawiishta iyo tayteyntooda, halka ay u abaabulan yihiin ciidamo wata magacyada taliyaaashooda qaarkoodna la dhihi karo nidaam beleed oo kale ayey u abaaabulan yihiin. Waxaa dalka ka dhacay sicir barar saameyn ku yeeshay nolosha daruuriga ah taas oo dowladdu ay xakameyn weydey ama la dhihi karo qayb ayey ka ahayd, markii ay soo daabacdey lacag Soomaali saameyn ku yeelatey Puntland iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa hoos u dhac weyn ku yimid doorka Puntland ee siyaasadda heer Federaal iyo la xisaabtanka Dowladda federaalka oo la aaminsan yahay in wax badan Puntland uga maqan yihiin. Inkasta oo la-dagaalanka iyo joojinta musuq-maasuqu uu yahay wax ay adag tahay in Soomaaliya laga hirgeliyo maadaama uu dadka ka galay xididada dhigga qaada ayaa ladhihi karaa Madaxweynaha Puntland iskuma deyin yareynta iyo hoos u dhigadda musuqa, waxaana uu gaarey heer musuqmaasuqa iyo laalushku ay banaanka u soo baxaan saameyna ku yeeshaan,heshiisyada, qandaraasyada, maalgashiga iyo sinaanta shaqaaleysiinta.

Inkasta oo aan marna la diraaseyn qaabka looga baxayo nidaamka Puntland ay ku soo xulato Xildhibaanada goloyaasha deegaanka, Xildhibaanada Golaha Wakiilada, iyo weliba Doorashada Madaxweynaha, ayaa la dhihi karaa ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa “hal qof iyo hal cod”, in uu Puntland ka hirgalinayo ka hor 2019 fashil ayuu ku socdaa marka la eego wakhtiga u harsan, Madaxweynaha Puntland isaga ayaa isku xirey guusha maamulkiisa iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada waxaana uu hirgelintooda iyo fashilka hirgelintooda calaamad uga dhigey guushiisa iyo guuldaradiisa.

Haddaba Ha noqon heeryadiis cune!

Waxaa hubaal ah in Madaxweynaha Puntland ee hadda Dr Cabdiweli Cali Gaas uu qabtey mashaariic badan oo hormarineed, noqdeyna Madaxweynihii u horeeyey ee laba sano gudaheed ku furay laba garoon oo caalami ah oo noqon kara albaabka hormarka mustaqbalka Puntland, ayaa la is weydiin sida uu ku ilaalin karo dhaxalkii uu Puntland u horseeday ama uga tegaayo.

Madaxweyne kasta waxaa bersadiisa buuxiya ama qabsada dhegtiisa kooxo dano kala duwan leh, “Danley dhaqaale siyaasadeed” kuwaas oo marka xilku dhamaad yahay daruuro madow ay dul hogtaan oo isku daya in ay Madaxweynaha siiyaan talooyin gurracan oo ku dhisan danahooda shakhsiyadeed, waxaana ay tusaale u soo qaataan mashaariicda qabyada ah ee socota, sidii ay u sii socon lahayd, waxay Madaxeynaha ku maaweeliyaan been iyo khiyaali iyo warar aan xaqiiqo ku dhisneyn, waxaana ay u durbaan tumaan waxbaa qabyo inaka ah ee Madaxweynaha mudada haloogu daro.

Madaxweynaha waxaa loo doortey in uu shaqeeyo, waa adeege shacab, waxaa loo doortey in uu wax qabto, waxa uu qabtey waa wixii laga sugaayey, wixii ka haleysmeyna waa lagulaxisaabtami, waxaana lagu doortey dastuur iyo sharci dalka u degsan.

Haddaba Madaxweynaha Puntland waxaa la gudboon in uu difaacdo dhaxalkii uu dalkan uga tegay, oo aanu noqon heeryadiis cune, waxaa la gudboon in uu galo doorasho xalaal ah isku dayo in uu noqdo Madaxweynihii u horeeyey ee dib loo doorto abid inta uu xilka mar labaad u tartamey gudaha Soomaaliya, ama xafiiska baneeya sida kuwii ka horeeyey ee guuldaradu raacdey xilkana ku wareejiyey si sharaf leh.

I. Haji Said
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *