Fadhi wadajir ah oo ay maanta yeesheen xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa soo xirmay,…

Fadhi wadajir ah oo ay maanta yeesheen xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa soo xirmay, iyadoo uusan guulaysan dedaalkii meel marinta waxka beddelka 5 cutub oo kamid ah dastuurka dalka.
Fadhiga oo ay ka qaybgaleen guddoonka labada aqal oo uu ka maqan yahay guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa guuldarraystay kadib markii xildhibaanada mucaaradku diideen qaybinta ajandaha waxka beddelka dastuurka.
Qaar kamid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa jeexjeexay warqadihii la doonayey in golayaasha loo qaybiyo, taasi oo sababtay in xubnaha qaar uu dhexmaro gacan-qaad sababay in guddoonku maarayn kari waayo sii socoshada kulanka.
Maamulada Puntland, Jubbaland, siyaasiyiinta mucaaradka, guddiyada dastuurka iyo xildhibaada mucaaradka ayaa dhammaan qaadacay waxka beddel lagu sameeyo 5 cutub oo kamid ah dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.




