Fadhiyada ciidamada Puntland ee Cal-miskaad oo qaadka laga mamnoocay.

11 March, 2025

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa mamnoocay in dhammaan noocyada kala duwan ee qaadka la geeyo…

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa mamnoocay in dhammaan noocyada kala duwan ee qaadka la geeyo saldhigyada iyo difaacyada ciidamada kujira hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad.

Warqad ka soo baxday xafiiska taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in tallaabadaan lagu xaqiijinayo ammaanka fadhiyada ciidamada ciddii jebisana tallaabo laga qaadi doono.

Ilo wareedyo ku sugan Cal-miskaad ayaa u xaqiijiyey Horseed Media in go’aankani uu la xiriiro cabasho ka timid saraakiisha qaar, kadib markii laamaha sirdoonku soo gudbiyeen inay ku soo gabban karaan dhagar qabayaasha looga adkaaday togga Jacayl.