Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo qoraal uu ku baahiyey bartiisa X…

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo qoraal uu ku baahiyey bartiisa X siweyn ugu dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyey in uu jebiyey heshiisyadii siyaasadeed ee lagu waday dalka.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan uu beddelay dastuurkii lagu heshiiyey, isla markaana uu meesha ka saaray nidaamkii sharciyeysan, taas beddelkeedana uu keenay hannaan uu ku tilmaamay mid lagu baabi’inayo heshiiskii Soomaali ku dhisneyd.
Dhanka kalena, Fahad Yaasiin ayaa sheegay in doorashooyinkii lagu saleyn lahaa heshiis qaran uu madaxweynaha u beddelay mid uu hal xisbi keliya tartamayo, halka Golihii Madasha Qaran uu isna u beddelay Golaha Sare ee Kacaanka.




