Fahad Yaasiin oo ka hadlay shirka mucaaradka ee ka socda Kismaayo

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu…

20 December, 2025

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in xilligii ay talada hayeen dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka caroon jiray shirarkii mucaaradku ku lahaayeen magaalada Kismaayo, kuwaas oo si toos ah uga soo horjeeday maamulkii uu ka tirsanaa.

Fahad Yaasiin ayaa intaas ku daray in uu si ka duwan u arko shirka haatan uga socda mucaaradka magaalada Kismaayo, isaga oo muujiyay in uu ku faraxsan yahay kulammadaas. Wuxuu sheegay in dowladdii Madaxweyne Farmaajo, oo uu isaga xilka Agaasimaha Sirdoonka ka hayay, ay ku fashilantay in ay si hufan u maareyso shirarkii siyaasadeed ee looga soo horjeeday xilligaas.

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in xilligii hore, marka waddooyin badan laga xiro ama cadaadis la saaro, ay mararka qaarkood si “farsameysan” uga leexan jireen xaaladaha cakiran, inkastoo uu qiray in taas aysan xal waara u noqon mucaaradka jiray.

Fahad oo haatan ka tirsan dhinaca mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaliil u jeediyay hoggaanka hadda jira, isaga oo ku eedeeyay in aysan haysan farsamo siyaasadeed oo ay kaga jawaabaan ama kaga weecdaan shirarka mucaaradka ee looga soo horjeedo siyaasadda iyo hannaanka ay dowladdu ku socoto.

Hadalka Agaasimihii hore ee Sirdoonka Qaranka ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Kismaayo uu shalay ka furmay shir ay ka qaybgalayaan siyaasiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo diiradda lagu saarayo mideynta mucaaradka, arrimaha doorashooyinka ay dowladdu waddo iyo qodobbada ay ka aragti duwan yihiin, halka dowladda federaalkuna ay ku adkeysanayso in dalka laga hirgelin doono doorasho qof iyo cod ah.