Lataliyihii hore ee amniga qaranka soona noqday agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaayi ayaa Madaxweynaha Somalia…

Lataliyihii hore ee amniga qaranka soona noqday agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaayi ayaa Madaxweynaha Somalia ku dhaliilay xaqiraadda shaqooyinkii doorashooyinka ee ay qabteen Puntland iyo Somaliland.
Waxa uu sheegay in madaxweynuhu u dhaartay guud ahaan dalka uuna guud ahaanba laalay taariikhdii arrimaha doorashooyinka qof iyo cod ee horay uga dhacay deegaamada Puntland iyo Somaliland ka arrimiyaan.
HOOS KA AKHRISO
Madaxweyne Xasan waa inuu ka cadurdaartaa inkiraadda taariikhda gobollo dalka ka mid ah. Xilka loo dhaariyey sow Madaxweynaha Jamhuuriyada maahan?
Madxaweyne Xasan, guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland ka gaartay doorasho qof iyo cod ah umaba aqoonsana guul ay umaddiisu leedahay! Puntland doorashdii qof iyo codka ahayd ee ay qabteen uma yaqaano guul ay shacabkiisu hanteen.
Khudbaddii Madaxweynaha ee xalay wuxuu muujinayay farxad iyo faan xadka dhaafay. Waxaan ka yaabay, marna ma soo hadal qaadayo Puntland iyo Somaliland oo ah laba maamul oo hirgaliyey doorasho si buuxda u haysatay sharciyad iyo ogolaansho.
Puntland markay qabaneysay doorashadaas Madaxweyne Xasan waa kii ku handaday inay burburayso, maantana wuu dafirayaa taariikhdooda.
Nasiib darro Madaxweynihii Jamhuuriyada wuxuu ku faanayaa doorasha dhan walba ka dhaawacan, QOF iyo QASAB ku dhisan oo hal magaalo kaliya ah.




