Fahad Yaasiin: “Qayb kama ahaan doono ololaha madaxweyne hore Farmaajo”

Published: September 2, 2024

La taliyihii hore ee amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay inay siyaasadii ku kala dhaqaaqeen madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaxiibo siyaasadeed ahaayeen 5tii sanno ee lasoo dhaafay.

Fahad ayaa sheegay inuu kala guurkan siyaasadeed uu yahay mid uu ugu danaynayo ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ka baxay ololaha doorashada Farmaajo ee doorashada soo aadan 2026.

“Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”ayuu yiri; Fahad Yaasiin.

Hoos ka akhriso: