Falastiiniyiinta oo bilaabay inay dib ugu laabtaan waqooyiga Gaza

27 January, 2025

Israa’iil ayaa maanta oo Isniin ah bilowday inay u ogolaato Falastiiniyiinta inay dib ugu laabtaan waqooyiga Gaza ee sida weyn loo burburiyay.

Xamaas ayaa sheegtay in dib ugu soo celinta shacabka ee waqooyiga Gaza ay tahay ‘guul’ ka dhan ah qorshayaasha barakicinta.

“Dib u soo celinta barakacayaasha waa guul u soo hoyatay dadkeena, waxayna astaan ​​u tahay fashilka iyo jabka ku yimid qorshayaashii qabsashada iyo barakicinta,” Xamaas ayaa tiri iyadoo kumannaan reer Gaza ah ay u qul qulayaan dhanka waqooyiga.

Israa’iil ay joojisay xannibaadii kadib markii heshiis lagu gaaray in Xamaas ay sii deyso lix la heyste todobaadkan.

Tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa bilaabay maanta inay u dhaqaaqaan waddooyinka waaweyn ee taga waqooyiga Gaza kadib markii Israa’iil ay furtay qaar kamid ah jidgooyadii.