Falcelin noocee ah ayuu caalamku ka bixiyey aqoonsigii Isra’il siisay Somaliland.

27 December, 2025

Maamulka Isra’il ayaa habeenimadii xlaay ku dhawaaqay inuu dal madax banaan u aqoonsaday maamulka Somaliland oo…

Maamulka Isra’il ayaa habeenimadii xlaay ku dhawaaqay inuu dal madax banaan u aqoonsaday maamulka Somaliland oo qayb ka ah Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia, kadib wadahadalo dhexmaray hoggaanka labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in maamulkiisu uu Somaliland la yeelan doono xiriir ganacsi, mid amni iyo iskaashi dhanka milatariga ah, maadaama ay ku taal goob istaraatiiji u ah guud ahaan mandaqadda Bariga dhexe.

Xukuumadda federalka ah ee Somalia oo kulan deg deg ah yeelatay ayaa cambaaraysay go’aanka maamulka Yuhuudda, waxaana lagu sheegay inay ku xad-gudubtay madax banaanimada daleed, dhuleed iyo shuruucda caalamiga ah maadaama dunidu aqoonsan tahay hal dowlad oo Somalia ah.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Turmp oo xuluufo dhaw la ah Maamulka Isra’il ayaa sheegey inuusan weli go’aan ka gaadhin aqoonsiga Somaliland oo uu ka fiirsanayo, xilli RW Netenyaahu uu ballan-qaaday in uu ka dhaadhicinayo Trump aqoonsiga maamulka Somaliland.

Qaar kamid ah dalalka caalamka ayaa dhankooda qaadacay go’aanka Yuhuudda waxana ay sheegeen inay taageersan yihiin midnimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ay lee dahay.

Dowladdaha Turkiga iyo Sucuudiga ayaa shegay inay si buuxda u garab taagan yihiin madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo si adag u cambaareysay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil ku soo qaaday madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Midowga Africa oo ay Somalia xubin ka tahay ayaa dalbaday in la tixgeliyo madax banaanida Somalia, aysanna aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu waxyeelaynayo dalalka Africa.