Fallaagada M23 ayaa sheegtay in ay ka baxayaan wadahadalladii ay kula jireen dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sababtoo ah cunaqabateynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah mas’uuliyiinta Rwanda oo “wax u dhimay” wada-xaajoodyadii.

Kooxda hubaysan ee M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa isniintii sheegtay inay ka baxayaan wada-hadallada nabadeed ee maanta oo Talaada ah ka dhacaya Angola.
Fallaagada M23 ayaa qorsheysay in ay wadahadal toos ah la gasho dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo si loo soo afjaro colaadda ka taagan bariga dalkaas.
Laakin Isbaheysiga Wabiga Congo oo ay ku jiraan kooxda M23, ayaa sheegay in ay ka baxayaan wadahadalka, sababtoo ah cunaqabateyn uu Midowga Yurub ku soo rogay horaantii shalay kooxda M23 iyo saraakiisha Rwanda.
Isbahaysiga fallaagada ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ficillada Midowga Yurub looga dan leeyahay “in lagu carqaladeeyo wadahadallada aadka loo sugayo.”
Rwanda ayaa sidoo kale sheegtay shalay in ay jarayso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la lahayd gumeystihii hore ee Belgium, iyadoo Kigali ay ku eedeysay Brussels inay isku dayday inay ” sii wado khiyaaligeeda cusub ee gumeysiga.”