Xoogaga Taageerada Degdegga ah ee Milatariga Fallaagada ah ayaa ku dhawaaqay maamul goobaha ay ka taliyaan, iyadoo walaac laga muujiyay beegsiga dadka rayidka ah ee ku sugan gobalka Darfur.

Ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ayaa ku dhawaaqay dhismaha dowlad u gaar ah, labo sano kadib markii uu dalku galay dagaal ba’an oo galaaftay tobanaan kun oo qof, isla markaana sababay wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.
RSF, oo uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo – oo sidoo kale loo yaqaan Hemedti – ayaa Talaadadii ku dhawaaqday aasaaska “Dowladda Nabadda iyo Midnimada” ee meelaha ay ka taliso. Talaabadan oo looga soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan.
RSF iyo xulafadeeda ayaa horey heshiis ugu saxiixday Nairobi bishii Feebaraayo, iyaga oo qeexaya rabitaankooda ah in ay sameystaan maamul kale.
Dagalo waxa uu sheegay in ay hadda ansixiyeen dastuur ku meel gaadh ah, kaas oo uu ku tilmaamay “Dhismaha Suudaan cusub”. Qoraalku wuxuu soo jeedinayaa 15 xubnood oo golaha madaxtooyada ah oo ka wakiil ah dhammaan gobollada dalka.
Tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15kii Abriil 2023, ku dhawaad 13 milyan oo qof ayaa ku barakacay, iyadoon xal siyaasadeed loo hayn. Dagaalku waxa uu bilaawday ka dib bilo ay xiisad u dhaxaysay millatariga Sudan iyo RSF, oo mar ahaa xulafo aad isugu dhow kuwaas oo si wada jir ah u hogaaminayay afgambigii 2021 kaas oo meesha ka saaray isbadalkii ay shacabku hogaaminayeen.