Wasiirka xagjirka ah ee Israa’iil ayaa baahiyay muuqaal uu ku jeesjeesanayo dadka u dhaqdhaqaaqa gargaarka Gaza ee la xiray, taasoo keentay dhaleecayn ballaaran oo gudaha iyo dibaddaba ah.

Faransiiska ayaa ka mamnuucay wasiirka amniga qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, dalkooda kadib markii muuqaal si weyn loo cambaareeyay uu ku shaaciyey boggiisa X oo muujinaya isagoo ku jeesjeesanaya dhaqdhaqaaqayaasha xaquuqda Falastiiniyiinta ee saarnaa maraakiib gargaar u waday Gaza oo ay Israa’iil xirxirtay.
Maraakiibta iyo doonyaha ay saarnaayeen dhaqdhaqaaqayaasha ayaa u socday inay gargaar bani’aadamnimo gaarsiiyo Gaza markii ciidamada amniga Israa’iil ay qabteen iyagoo ku sugan biyaha caalamiga ah.
Dadkan u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ka kala yimid dalal badan oo caalamka ah ayaa laga masaafuriyay Israa’iil.
“Laga bilaabo maanta, Itamar Ben-Gvir waa laga mamnuucay inuu galo dhulka Faransiiska,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Noel Barrot ku qoray baraha bulshada.




