Fariisimo Alshabab ku lahayd Koonfurta Somalia oo duqayn lala beegsaday.

29 May, 2026

Faahfahain dheeraad ah ayaa ka soo baxayso duqaymo lagu qaaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd…

Faahfahain dheeraad ah ayaa ka soo baxayso duqaymo lagu qaaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd gobollada Jubbada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo weerarradaasi lagu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo xarumo ay kooxdaasi ku diyaarin jirtay weerarro iyo qaraxyo.

Goobaha la duqeeyay waxaa kamid ah deegaanka Basra, degmada Sablaale, Kuunya Barrow iyo deegaanka Hawaay, halkaas oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo saraakiil sare oo kooxda ka tirsan, waxaana xoguhu sheegayaan in goobaha qaar lagu lagu diyaarinayey walxaha qarxa.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay duqeymahan, mana jiro war faahfaahsan oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ama hay’adaha amniga oo ku saabsan tirada dhimashada iyo dhaawaca. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin weerarrada lagu qaaday fariisimahooda.

Duqeymahan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda qaybo badan oo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa maalmihii dambe xoojiyay weerarrada cirka iyo kuwa dhulka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda.