War qoraal ah oo ka soo baxay hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad…

War qoraal ah oo ka soo baxay hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa faahfaahin looga bixiyey duqaymo galabta ka dhacay deegaanka Dhasaan.
Qoraalka taliska ayaa lagu sheegay in duqaymahaan laga fuliyey boholaha Xankoojib ee deegaanka Dhasaan, halkaas oo lagu diley xubno katirsan Daacish laguna burburiyey keydad muhiim ah iyo gaadiid ay adeegsan jireen.
“Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraadka ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa lagubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana, argagixisada Daacish”, ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhanka kalena, dowladda Puntland ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadcelisey taageerada uu siiyey ciidamadeeda,”Dowladda Puntland waxay Saaxibada Imaaraadka uga mahadcelinaysaa gacanta joogtada ah ee ay ka geysanayso dagaalka ay Puntland kula jirto Argagixisada Daacish/ISIS”.