Farmaajo oo baaq u diray Madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada.

27 November, 2025

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xaalad…

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xaalad bini’aadantinimo ay ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, taas oo uu tilmaamay in ay saameysay ku dhowaad 5 milyan oo qof oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan.

Waxa uu ugu yeeray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay u midoobaan ka jawaabista xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed samatabixinta dadka dhibaataysan ee ay saameeyeen abaaraha, maadaama buu yiri ay hoos u dhacday kaalmadii bin’aadantinimo ee caalamiga.