Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaday ereyga Madaxweynaha xukunkiisu dhammaadka yahay ee Xasan…

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaday ereyga Madaxweynaha xukunkiisu dhammaadka yahay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tallaabada lagu xiray xubnaha ururka SOYPA uu muujinayo jihada khaldan ee Madaxweynuhu la aadey talada iyo masiirka dalka.
“In Muwaadinkii hadla ee tilmaama halista ku hareersan midnimada iyo dowladnimada dalka, culayska dhaqaale iyo duruufaha nololeed ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed, lagu wajaho xabsi iyo tacaddi waxa ay sii hurinaysaa xaaladda iyo kacdoonka dhallinyarada Soomaaliyeed ee quusta ka taagan eexda iyo musuqmaasuqa xargaha goostay”, Ayuu sheegay MW Hore Farmaajo.
Uugu dambayntiina Farmaajo ayaa ugu baaqay laamaha ammaanka inay ilaaliyaan sharciga kana waantoobaan tallaabooyinka waxyeelaynaya sumcaddoodana una adeegaya danahashaqsiyadeed ee gaarka ah.
“Anigoo ugu baaqaya Saraakiisha Amniga in ay ka waantoobaan tallaabooyinkan soo noqnoqday, haddana waxaan xasuusinayaa in shaqada ay hayaan loo asteeyey badqabka iyo ilaalinta karaamada, nafta iyo hantida dhallinyarada Soomaaliyeed”, Ayuu yiri Farmaajo.




