Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qorshaha ay waddo dowladda madaxweyne Xasan Shiikh ee doorashooyinka qof iyo cod.

War-saxaafadeed lagu baahiyey bartiisa xiriirka bulshada ee madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in dalkeena xiligan ku gadaaman yihiin khataro badan oo horseedi kara dib u dhac siyaasadeed, maadaama wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka.
Wuxuu sheegay inuu Madaxweyne Xasan Shiikh uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay, taasi oo keeni karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.
” Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas’uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madaxweynihii hore, Farmaajo.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, sida culimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo ururrada bulshada rayidka inay qayb ka qaataan dowrka ay ku leeyihiin ilaalinta wadajirka dalka iyo sidii lagu gaari lahaa xasillooni siyaasaddeed.
Dhanka kale, Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaangelinta ururada siyaasadda, waxayna sheegeen inuu qof walba oo Soomaaliyeed u diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah.

Horseed Media