Farmaajo oo ka digey xaalad hubanti la’aanteed oo ay gasho Somalia.

5 April, 2025

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga digey xaalad hubanti la’aaneed oo…

farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga digey xaalad hubanti la’aaneed oo ay gasho Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu qaato talooyinka loo jeediyey.

AKHRISO

Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay.

Annaga oo muujinayna iinta uu xadgudubkaani ku yeelanayo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celiyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ee sida sharci darrada ah loo beegsaday.

Sidoo kale, Hay’adaha ammaanka heer Federaal waxaan ku adkaynaynaa waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, iyaga oo ka fogaanaya tallaabooyinka noocaan ah ee wiiqaya kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo sumcaddooda ciidannimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan mar kale ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo ficillada keenaya mugdiga iyo hubinti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, marxaladdan adagna uu mudnaan siiyo soocelinta wadajirka iyo midnimada, si aynu awood ugu yeelanno in Qaranka Soomaaliyeed aynu ka samatabixinno duruufaha amni iyo jiritaan ee ku xeeran.