Farmaajo oo sheegay inuu Xasan Shiikh qaaday jiho khilaafsan dastuurka

16 November, 2024

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka gaar…

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan xeerka sohdimaha doorashada qaranka oo uu ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharci-darro ku tilmaamay ansixinta xeerka doorashooyinka dalka, wuxuuna sheegay inay sii fogayn doonto arrintani khilaafka ka dhashay wax ka bedelka dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka.

” Tallaabada uu maanta qaaday Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ansixinta sharci darrada ah ee xeerka lagu sheegay dhisidda Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha waxa ay sii fogaynaysaa xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.” ayuu yiri, Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweynihii hore Farmaajo ayaa sheegay inay isku milmeen hay’addihii sharci-dejinta iyo fulinta, isagoo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay ka laabtaan isku dayga madaxweyne Xasan uu ku doonayo doorasho aan sharci ahayn.

” Nidaamka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay qaadeen jiho khilaafsan dastuurkii lagu doortay iyo shuruucdii loo dhaariyey, sidaas awgeed waxa ay qaadayaan mas’uuliyadda taariikhiga ah iyo cawaaqib ka ka dhalanaya qorsheyaashooda gurracan ee kala qaybinaya shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri; Madaxweynihii hore, Maxamed Farmaajo.

Mudane Farmaajo ayaa horay dowladiisii looga diiday doorashooyinka qof iyo cod, taasoo ay si weyn uga soo horjeesteen maamulada Puntland iyo Jubaland oo haddana diidan isla ajandahaasi uu miiska keenay Madaxweynaha hadda jooga Xasan Shiikh Maxamuud.

Horseed Media