Farmaajo oo ka hadlay kulan dhexmaray xisbika NN & wakiilo ka socda DFS.

8 July, 2026

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay kulankii shalay magaalada Muqdisho…

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay kulankii shalay magaalada Muqdisho ku dhex maray wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xisbiga Nabad iyo Nolol.

Qoraal kasoo baxay xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku qabsoomay jawi wanaagsan, isla markaana labada dhinac ay isku afgarteen in la sii wado hannaanka wada-hadalka loo dhan yahay ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadda dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in wada-hadalladaasi ay diiradda saari doonaan sidii loo xaqiijin lahaa xasillooni siyaasadeed, amni iyo horumar waara, iyadoo la adkeynayo wadashaqeynta dhinacyada kala duwan.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in kulanka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo saldhig u noqda doorasho loo dhan yahay, iyadoo dowladda Turkiye ay door ka qaadaneyso fududeynta wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada Soomaaliyeed.