Farmaajo oo ku baaqay in bisha Ramadan loo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen.

17 February, 2026

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, diray hambalyada bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ugu baaqay…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, diray hambalyada bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ugu baaqay madaxda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed in loo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in bishan ay ku soo aadday xilli ay dadka Soomaaliyeed wajahayaan duruufo adag iyo abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka iyo duunyada intaba loona baahan yahay in laysu gurmado.