Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tallaabo sharci darro ah oo kala gaynaya ummadda…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tallaabo sharci darro ah oo kala gaynaya ummadda Soomaaliyeed ku tilmaamay saxiixa Madaxweyne Xasan Sheekh ee nuqulka cusub ee dastuurka Somalia.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka laabto dastuurka cusub, islamarkaana uu qabto doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku qabsoonta.
“Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaanayo Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan saxiixa dastuurka uu samaystay waxa ay xoojinaysaa khatarta ku gadaaman dowladnimada dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed”, Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.




