Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia…

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado tanaasul kana fekero badbaadada dalka.
Farmaajo oo ka falcelinayey kulan uu maalinimadii shalay la yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay inay ka arrinsadeen xaaladda dalka ayna Madaxweynaha ku sugayaan miiska wada xaajoodka.
“Kulankaasi waxa uu si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay wada-tashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha taagan. Waxaan soo dhaweeyey imaanshaha labada Madaxweyne ee caasimadda Muqdisho, anigoo ku dhiirrigeliyey dadaallada ku aaddan sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadin lahaa hubanti la’aan iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka la xiriira doorashada iyo dastuurka”, Ayuu yiri Farmaajo.
Ugu dambayntiina Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri,”Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uu la yimaddo tanaasul iyo hoggaamin looga gudbi karo ismari waaga taagan, dalkana looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah.”



