Farmajo oo sheegay in Somalia gashay marxalad halis ah.

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka,…

14 April, 2026

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna sheegay in dhammaadka muddada barlamaanku uu muujinayo xaalad adag.

War-saxaafadeed uu soo saaray Faramaajo ayuu ku sheegay “Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka”.

Dhanka kalena, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa yiri,“Muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026… Sidoo kale, waxaa ka harsan muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha, 31 maalmood oo keliya. Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan.”