Faysal Cali Waraabe oo dhaliilay Madaxweyne Deni & Suldaan Siciid.

23 October, 2025

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus deegaamada maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shirkii nabadda ee…

Somaliland waddani iyo ucid

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus deegaamada maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shirkii nabadda ee shalay lagu soo afmeeray Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha xisbigii dhacay ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliilay qorshaha xukuumadda Somaliland iyo xiriirka ay la yeelanayso Puntland, xilli maalinimadii shalay Madaxweyne Cirro bogaadiyey doorkii Madaxweyne Deni ee shirkii Ceerigaabo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ugu horrayn ay ahayd in Puntland ay gobolada Sanaag iyo Sool ka saarto dastuurkeeda, sidoo kalena Suldaan Siciid Cabdisalaan caddeeyo inuu yahay reer Somaliland.

“Suldaan Siciid ha is caddeeyo in uu yahay Somaliland, ciidamadii & hubkii ay na gala baxsadeena ha soo celiyo, Madaxweyne Deni-na markii uu sharcigiisa ka saaro Sool & Sanaag ayaan ammaanaynaa hadda ammaan nagama mudna.”