FBI-da Maraykanka oo shaqsi Soomaali ah ka qabsaday Muqdisho.

27 June, 2026

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka soo qabatay Cabdikariim Eidleh, oo ay…

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka soo qabatay Cabdikariim Eidleh, oo ay ku eedeysay inuu ku lug lahaa xatooyo hanti dadweyne iyo falal musuqmaasuq ah, oo muddo la baadi goobayey.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu baadi-goobayay laguna soo qabanayay Cabdikariim Eidleh uu ahaa mid iskaashi ballaaran oo dhex maray hay’adaha ammaanka ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

Maraykanka ayaa si gaar ah waxa uu qabashada Cabdikariin Iidle ugaga magahceliyey Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), oo door muhiim ah ka qaadatay qabashadiisa.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Cabdikariim Eidleh dib loogu celiyay gudaha Mareykanka, halkaas oo la filayo in lagu horgeeyo maxkamad si uu uga jawaabo eedeymaha loo haysto ee la xiriira xatooyada dadweynaha.

FBI-du ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qadarka lacageed ee la sheegay in la lunsaday ama waqtiga uu falkaasi dhacay, inkastoo warbixinada qaar muujinayaan in loo haysto lunsashada lacag Malaayiin dollar ah.