Ronald dela Rosa, oo ahaa taliyihii booliiska xilligii madaxweynihii hore Rodrigo Duterte, ayaa wajahaya waaran lagu soo xirayo oo ay soo saartay maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ee ICC.

In ka badan darsin rasaas ah ayaa laga maqlay Aqalka Senate-ka Filibiin iyadoo booliiska iyo ciidamada badda ay u dhaqaaqeen inay xiraan senetar ay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ku raad joogto oo loo heysto dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Rasaasta ayaa ka bilaabatay fiidnimadii Arbacada xarunta Aqalka Sare oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku dhuumanayey Senetarka la baadi goobayo, waxaana la maqlayey xabadaha halkaas ka dhacay daqiiqado kadib markii askar hubeysan ay goobtaasi gudaha u galeen.
Lama oga cidda rasaasta ridday.

Senatarka Ronald dela Rosa ayaa hore u sheegay inuu filayo xarigiisa, isagoo dadka ku boorriyay inay yimaadaan golaha sharci-dejinta si looga hortago in la xiro oo loo diro maxkamada ICC.
Maxkamadda ICC ayaa Isniintii soo saartay warqad xarig ah oo ku saabsan dela Rosa, iyadoo lagu tuhunsan yahay dambiyo ka dhan ah aadanaha, isla dambiyadaas oo lagu eedeeyay Madaxweynihii hore Duterte oo 81 jir ah isagoo sugaya maxkamadeynta magaalada Hague kadib markii la xiray sannadkii hore.




