Maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u shaaciyay qorshe deked cusub looga hirgelinayo…

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u shaaciyay qorshe deked cusub looga hirgelinayo magaalada xeebeedka Laasqoray, Hoggaamiyaha maamulkaas Cabdulqaadir Firdhiye oo sidoo kale ah musharrax madaxweyne ayaa sheegay in dhismaha dekedda uu ka mid yahay qorshayaal horumarineed oo lagu taageerayo dadka deegaanka iyo la dagaallanka saboolnimada.
“Waxaan dhiseynaa dekedda Laasqoray iyo garoomo diyaaradeed, Waxaan si buuxda uga faa’iidaysan doonnaa kheyraadka badda, buuraha iyo berriga ee deegaannadeenna,” ayuu yiri Firdhiye.
Hadalkan ayuu ka sheegay xafladii shaacinta musharaxnimadiisa oo uu ku soo bandhigay ilaa 6 qodob oo ay ka mid tahay qorsha dekeda Laasqoray, waxaa xusid mudan in halkaas uusan hada maamulkiisa ka arimin balse deegaan ahaan maamulkan xisaabday.
Qorshahani wuxuu imaanayaa xilli maamulka Puntland uu bilaabay inuu ciidanka gaarka ah ee PMPF u daabulo Laasqoray, si ay halkaas uga sameystaan saldhig cusub oo ciidan.
Puntland ayaa tan iyo dagaalkii Dhahar ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad beeleedyo waxay xoojisay amaanka gobolada Sanaag iyo Haylaan halkaas oo ay ku daabushay ciidamo kala duwan tanina waxay ka mid tahay isbalaarinta maamulka Puntland.
Dastuurka maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan la meermariyey waxaa uu dhigayaa in maamulkan udhisan yahay gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo intaba sidoo kale ku xusan Dastuurka Puntland in ay yihiin dhulkeeda.




