Firdhiye oo ku baaqay in la taageero dagaalka Puntland kula jirto Daacish.

7 February, 2025

Hoggaamiyaha Maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw Cali ayaa markii ugu horraysay ku baaqay in la taageero dagaalka Puntland kula jirto Daacish.

Hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Aw Axmed Cali Firdhiye, ayaa ka hadlay dagaalka ay ciidamada difaaca Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraleeyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Firdhiye ayaa sheegay in reer Puntland iyo reer SSC ay yihiin dad isku mid ah isla markaana ay siweyn u taageersan yihiin hawlgalka Hillaac ee ay ciidamada Puntland kooxaha nabaddiidka ah kaga xoraynayaan buuraleeyda durugsan ee gobolka Bari.

“Maanta Puntland waxaa ka socda dagaalo lagu sifaynayo deegaamo ay argagixiso soo gashay, raggii halkaan ku dhimanayey ee ku dhaawacmayey ayaa halkaasna ku dhimanaya oo ku dhaawacmaya, waxaa laynooga baahan yahay isgarabtaag iyo taageero iyo inaan kala qayb galno halganka ay kujiraan sidii ay shalay inoogala qayb galeen”, ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye.

Hoggaamiye Firdhiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri,”Reer Puntland shacab iyo xukuumadba waa ku garab taaganahay dagaalkaan xaqqa ah ee ay kula jiraan argagixisada, waxaana shacabka farayaal inay laban laabaan taageerada reer Puntland.”.