Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa sheegay in maamulkiisu ka kooban, xilli…

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa sheegay in maamulkiisu ka kooban, xilli horay dastuurka maamulkaasi loogu xarriiqay saddex gobol oo kala ah Sool, Sanaag iyo Togdheer.
Firdhiye oo khudbad ka horjeedinayey sharci dejiyayaasha maamulkaasi ayaa xusay in xukuumaddiisu ay aqoonsan tahay shan gobol oo Waqooyi Bari ah kuwaasi oo uu sheegay inay gaarsiiyeen adeegyada aasaasiga u ah bulshada, isagoo ku soo daray gobolka Xaysimo (Taleex) oo ay horay u magacawday Somaliland iyo Haylaan (Dhahar) oo ah ay magacawday Puntland.
Firdhiye ayaa sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu sidoo kale dadaal ugu jiro fidinta adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, isaga oo xusay in manhajka waxbarashada Soomaaliya la gaarsiiyey gobollada Sanaag iyo Haylaan.




