Doorashada Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa lagu soo gabagabeeyey Hotelka Jidbaale ee Magaalada Laascaanood ee…

Doorashada Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa lagu soo gabagabeeyey Hotelka Jidbaale ee Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Doorashada oo ka koobnayd laba wareeg waxaa wareeggeeda 1aad ku soo baxay musharaxiinta kala ah Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye oo helay 36 cod iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo helay 20 cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada ee golaha wakiiladu.
Wareegga labaad oo ay isugu soo hareen Firdhiye iyo Khaliif ayaa waxaa ugu dambayn ku guulaystey hoggaamiye Firdhiye, kadib makrii Musharax Jamaal Maxamed Xasan oo ku haray wareeggii 1aad codkiisa u wareejiyey Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye).
Musharax Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa doorashada kahor ka baxay goobta doorashada, waxaana si lamid ah horay u sii raacay musharixiintii Madaxweyne ku-xigeenka marka laga reebo Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Jamaal ayaa taageeray Abwaan Jibriil iyo Firdhiye isagoo doonaya kamid noqonashada xildhibaanada barlamaanka Somalia ee doorashada Somalia marka la gaaro sanadka 2026.




