Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa magacaabay Guddi Sare oo ka shaqaynaya dhismaha, horumarinta…

Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa magacaabay Guddi Sare oo ka shaqaynaya dhismaha, horumarinta iyo casriyeynta Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Laascaanood.
Guddiga ayaa ka kooban xubno ka tirsan labada gole ee Dawladda Waqooyi Bari iyo shaqsiyaad si weyn uga shaqeeya horumarinta deegaanka. Xubnaha guddiga ayaa kala ah:
- Wasiir Axmed Cabdi Shire — Guddoomiye
- Xildhibaan Sheekh Aadan Weli Cabdi Xuseen
- Wasiir Saynab Cabdiraxmaan Calawaash
- Wasiir Cabdiqani Xuseen X. Hiirad
- Wasiir Jaamac Faarax Muuse
- Xildhibaan Sheekh Maxamuud Salaad Warsame
- Mudane Abshir Aadan Maxamuud
- Guddoomiye Mudane Jaamac Yaasiin Warsame
- Mudane Jaamac Cabdi Askar
- Mudane Maxamed Saalax Ciise
- Mudane Yuusuf Ducaale Cumar
Guddigan ayaa loo xil saaray dhismaha iyo casriyeynta Garoonka Diyaaradaha ee Laascaanood, kaas oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona horumarinta adeegyada gaadiidka cirka iyo isku-xirka caasimadda iyo deegaannada kale.




