Firdhiye oo shaacisay shaqada uu qaban doono haddii xilka looga guulaysto.

30 August, 2025

Hoggaamiyihii maamulka SSC KHATUMO, markalena u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye…

Hoggaamiyihii maamulka SSC KHATUMO, markalena u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa gaarey goobta codbixinta.

Firdhiye oo jeedin doona khudbaddiisa wax-qabad iyo codsigiisa ku aadan in markale xilka loo doorto ayaa warbixin kooban afaafta hore ee hoolka doorashada ku siiyey warbaahinta, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay in dib loo doorto.

Firdhiye ayaa sheegay in wixii uu soo qabtay ay markhaanti ka yihiin marxaladda horumarinta maamulka Waqooyi Bari, uuna yahay shaqsiga ugu mudan ee xilligaan loo dhiibi karo xilka madaxweynaha maamulkaasi.

Dhanka kalena, Hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in haddii xilka madaxweyne looga guulaysto uu ka soo shaqayn doono deegaanka kuna biiri doono ciidamada qalabka sida ee maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.