Cabdiqaadir Cali Firdhiye, hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari ee ayaa ugu baaqay Somaliland in ay doorato nabadda…

Cabdiqaadir Cali Firdhiye, hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari ee ayaa ugu baaqay Somaliland in ay doorato nabadda isagoo sheegay in dagaalku uusan keenin wax miro dhal ah.
Firdhiye wuxuu ku tilmaamay rabitaanka Somaliland ee gooni isu taagga inuu caqabad weyn ku yahay midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, Wuxuu xusay in dhulka Waqooyi Bari yahay isku xirka labada dhinac, sidaas darteedna aysan marnaba aqbali doonin in dadka Soomaaliyeed la kala qaybiyo.
“Mas’uuliyad Eebbe ayaa na saaran, Haddii halkan looga ololeeyo kala goynta Soomaaliya, cidina isku hayn kari mayso haddii aan laga doonayn kala goyn cid kala goyn karta ma jirto,” ayuu yiri Firdhiye.
Hoggaamiyuhu wuxuu intaas ku daray in maamulka Waqooyi Bari uu salka ku hayo rabitaanka shacabka isla markaana u taagan yahay nabadgelyo horumar iyo midnimo Soomaaliyeed.
“Walaalaha soo bu’aya waxaan leeyahay, waar nabadda ayaa naas la nuugo leh. Colaadda, dagaalka iyo dirirtana hore ayaynu u soo aragnay. Waxa aad u hanqaltaagaysaan ee aad isleedihiin xaqiijiya ma jiri karaan” ayuu ku daray.
Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii Golaha Wasiirrada Somaliland ay shaaciyeen go’aamo ay ku sheegeen in xukuumaddu aysan waligeed ogolaan doonin jiritaanka maamulka cusub ee Waqooyi Bari, iyagoo ku adkaystay in gobollada Sool iyo Sanaag ay ka tirsan yihiin Somaliland.




