Firdhiye oo taageeray waxka-beddelka dastuurka & doorashooyinka QC.

4 April, 2026

Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa si rasmi ah u taageeray waxka-beddelkii dhawaan lagu sameeyey dastuurkii kumeel…

Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa si rasmi ah u taageeray waxka-beddelkii dhawaan lagu sameeyey dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee Somalia & qorshaha dowladda federalka ah ee Somalia.

Madaxweynaha Woqooyi-bari Cabduqlaadir Axmed Awcali (Firdhiye), ayaa si weyn u soo dhoweeyey wax-ka-beddelka Dastuurka JFS, wuxuuna sheegay inay ka shaqayn doonaan hirgelintiisa iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka qabsooma.

“Waxaan soo dhoweynaynaa Dastuurka wax laga beddelay, waxaana si dhab ah uga shaqaynaynaa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah”, Ayuu yiri Madaxweyne Firdhiye oo ka hadlayey Magaalada Laascaanood.

Dowladda Somalia ayaa shaacisay inay bilowday dhaqangelinta waxka-beddelka dastuurka dalka iyo inay hirgeliso doorashooyin qof iyo cod ah oo aan lagu laaban doonin hanaankii hore ee doorashooyinka dadban.