Firdhiye “Shacabka Waqooyi Bari ha qaataan kaarka Codeynta”

3 September, 2025

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa si rasmi ah u daahfuray diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka maamulkaas…

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa si rasmi ah u daahfuray diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka maamulkaas isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid sharaf u ah shacabka iyo dowladnimada. Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka loo oggolaado doorashada wakiillada ka metelaya golayaasha deegaanka, wakiillada maamulka iyo Baarlamaanka Federaalka taas oo uu ku sifeeyay waajib dastuuriyan ku cad sharciga maamulka iyo kan qaranka.

Firdhiye ayaa muujiyay kalsoonidiisa ku aaddan in shacabka Waqooyi Bari ay si weyn uga qayb qaadan doonaan diiwaangelinta isla markaana ay door muhiim ah ka qaadan doonaan doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo kuwa qaranka. Wuxuu sheegay in maamulka uu hoggaamiyo diyaar u yahay in uu taageero dadaallada bulshada si loo xaqiijiyo codkooda.

Madaxweynaha Waqooyi Bari ayaa shacabka ugu baaqay inay si buuxda u qaataan shahaadada diiwaangelinta si ay u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee muddo dheer ka maqneyd. Wuxuu tilmaamay in arrintani ay fure u tahay helitaanka dowlad matasha shacabka isla markaana dadka deegaanka ka dhigaysa qayb firfircoon oo go’aanno siyaasadeed ku yeesha.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in qorshaha diiwaangelinta codbixiyayaasha uu qayb ka yahay dadaallada lagu dardargelinayo hirgelinta nidaamka qof iyo cod ee dalka. Qorshahan ayaa horay uga dhacay gobolka Banaadir halka uu hadda ka socdo qaar kamida maamul Goboleedyada kale waxaana lagu sheegay tallaabo loo qaaday dhanka dimuqraadiyeynta nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba qorshahan ayaa wajahaya caqabado siyaasadeed oo ay diideen maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo sidoo kale Madasha Mucaaradka. Dhinacyadan mucaaradsan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faragelin ku sameeyay dastuurka dalka isla markaana qorshahan uu ku saleysan yahay muddo kordhin siyaasadeed taas oo sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan geeddi-socodka doorashooyinka dalka.