France oo dalbatay shir deg deg ah oo looga hadlayo xaaladda Lubnan.

Dowladda Faransiiska ayaa codsatay in si degdeg ah loo qabto shir ay yeeshaan xubnaha Golaha Ammaanka…

31 May, 2026

Dowladda Faransiiska ayaa codsatay in si degdeg ah loo qabto shir ay yeeshaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si looga hadlo howlgalka milatari ee ay Israa’iil ka waddo koonfurta Lubnaan iyo xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee gobolka, xilli ay isa soo tarayaan walaacyada caalamiga ah ee ku saabsan dagaallada iyo duqeymaha joogtada ah ee saameynaya shacabka rayidka ah.

Faransiiska, oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, ayaa ku baaqay in la helo cadaadis diblomaasiyadeed oo lagu xakameynayo colaadda, isla markaana la dhiirrigeliyo in dhinacyadu dib ugu laabtaan wada-hadallada. Paris ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u muujinaysay walaac ku saabsan fiditaanka dagaalka Bariga Dhexe, gaar ahaan xaaladda Lubnaan oo ay sheegtay inay halis ugu jirto xasillooni darro ballaaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa sheegay in dalkiisu dalbaday kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ah si looga arrinsado xaaladda sii xumaaneysa ee Lubnaan.

Shirka degdegga ah ee uu Faransiisku dalbaday ayaa la filayaa inuu diiradda saaro sidii loo yareyn lahaa xiisadda, loo ilaalin lahaa shacabka rayidka ah, isla markaana loo xoojin lahaa dadaallada lagu doonayo in dagaalka uusan ku fidin dalal kale oo gobolka ku yaalla. Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo beesha caalamku si dhow ula socoto horumarka colaadda iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga gobolka oo dhan.