Friedrich Merz oo loo doortay Raysal wasaaraha Jarmalka

6 May, 2025

Merz ayaa wareegii 2aad ee codbixinta Baarlamaanka ku guuleystay inuu noqdo hogaamiyaha Jarmalka Talaadadii, ka dib markii uu ku guuldareystay wareegii koowaad ee codbixinta inkastoo si weyn loo saadaalinayay inuu ku guuleysan doono.

Friedrich Merz ayaa Talaadadii ku guuleystey isku daygiisii ​​ahaa inuu noqdo hogaamiyaha Jarmalka ee soo socda intii lagu jiray codbixintii labaad ee baarlamaanka, saacado kadib markii uu guuldaro taariikhi ah kala kulmay wareegii koowaad.

Hogaamiyaha muxaafidka ah ayaa la filayay inuu si habsami leh ugu guuleysto codka si uu u noqdo ra’iisul wasaare 10-aad ee Jarmalka tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka. Ma jiro musharrax u tartamaya jagada hoggaamiyaha Jarmalka oo ku guul daraystay inuu ku guuleysto codbixintii ugu horreysay.

Waxa uu u baahnaa aqlabiyadda 316 kamid ah 630 cod ee Baarlamaanka, codbixin sir ah laakiin waxa uu helay 310 cod oo kaliya wareegii koowaad – wax aad uga yar 328 kursi ee uu haysto isbahaysigiisa.

Merz ayaa helay 325 cod codbixintii labaad.

Codbixinta ayaa loo arkayay mid rasmi ah, iyadoo Merz uu taageero ka heystay isbahaysiga CDU/CSU, kaasoo ku guuleystay doorashadii guud ee bishii Febraayo, iyo xisbiga bidix dhexe ee Social Democrats (SPD) oo wadar ahaan heysta 328 kursi.

Saddex xildhibaan ayaa ka aamusay, hal cod ayaa xumaaday, halka sagaal xildhibaan ay ka maqnaayeen kalfadhiga.