In ka badan 40 shaqaale ayaa laga saaray liiska Dowladda Hoose ee degmada Galkacyo, sida lagu…

In ka badan 40 shaqaale ayaa laga saaray liiska Dowladda Hoose ee degmada Galkacyo, sida lagu sheegay liiska cusub ee shaqaalaha rasmiga ah oo lagu soo koobay 56 qof, Liiskan ayaa si rasmi ah loogu dhejiyay xarunta degmada si loo xaqiijiyo shaqaalaha sii shaqeyn doona.
Liiskii hore ee shaqaalaha Dowladda Hoose ayaa ka koobnaa 95 qof, iyadoo aan lagu darin shaqaalaha nadaafadda iyo kuwa amniga. Haddii la isku daro dhammaan qaybahaas, tirada guud waxay ahayd ku dhawayd 150 shaqaale taas oo ka dhigan in ka badan kala bar shaqaalaha la fasaxay.
Shaqaalaha la ruqseeyay ayaa u badan kuwa shaqaale hoosaadka rasmiga ah iyo shaqaalaha nadaafadda, halka tallaabada xigta lagu wajihi doono ciidamada amniga xarunta degmada oo iyana dib u habayn lagu samaynayo.
Shaqo-cayrintan ayaa saamayn weyn ku yeelatay waaxyaha qaarkood, iyadoo waax horey u lahayd in ka badan 30 shaqaale hadda lagu soo koobay wax ka yar 10 qof. Sidoo kale, gabi ahaanba waa la kala diray waaxdii amniga ee degmada, waxaana xilka laga qaaday agaasimihii waaxdaas.
Warqadda lagu shaaciyay liiska cusub ee shaqaalaha ayaa lagu sheegay magacyada shaqaalaha la reebay, balse lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay tallaabadan inkastoo dhowr jeer qaar ka mida ciidamada iyo shaqaalaha ay arrimo siyaasadeed u xirteen xarunta dowladda hoose xiligaas oo ay socotay doorashada Duqa cusub iyo xili la soo magacaabay xoghaye cusub.




