Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta bilowday dhageysiga kiiska gabadha yareyd ee lagu dilay…

Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta bilowday dhageysiga kiiska gabadha yareyd ee lagu dilay Gaalkacyo 12-kii bishan, iyadoo loo soo xiray laba eedeysane oo kala ah nin iyo xaaskiisa. Eeda ugu weyn ayaa loo cuslaynayo Hodan Maxamuud Diiriye, taas oo lagu eedeeyay jirdilka sababay geerida Saabiriin Saylaan.
Xeer Ilaalinta gobolka Mudug ayaa maxkamadda horgeysay caddeymo muhiim ah oo badankood ka soo baxay mobilka eedeysanaha Hodan. Muuqaalladaas la soo bandhigay ayaa muujinaya tacaddiyo joogto ah iyo jirdil gabadha loogu geystay, kuwaas oo ugu dambeyn sabab u noqday dhimashadeeda.
Hodan Maxamuud Diiriye oo maxkamadda ka hadashay ayaa sheegtay in tacaddiyada gabadha gaaray ay ku dhacayeen xilli ay miyir-beel ku sugnayd. Waxay intaas ku dartay inay qabto xanuun keena inay waaydo miyirka, taasna ay sabab u tahay inaysan garan qaabka ay wax u dhaceen.
Eedeysanaha labaad Cabdicasiis Nuur ayaa kiiska ku lug yeeshay kadib markii Hodan ay u sheegtay in gabadhu aanay soo kicin. Dacwadda ayaa weli socota, waxaana bulshada ay si dhow ula socdaan sida maxkamaddu u maareyn doonto kiiskan culus oo sababay dareen xooggan iyo baaqyo caddaaladeed.




