Gaalkacyo: Golaha deegaanka oo dib u kulmay ka dib doorashadii Duqa.

25 December, 2025

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, ayaa maanta si rasmi ah uga…

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, ayaa maanta si rasmi ah uga furay Degmada Gaalkacyo Kalfadhigii 30-aad, Fadhigiisa 1-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo. Furitaanka kalfadhigan ayaa ku yimid xilli ay jiraan baahiyo horumarineed iyo mid maamul oo u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo, si loo xoojiyo adeegyada bulshada iyo maamulka degmada.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo, xildhibaanno, agaasimayaal, saraakiil amni, odayaal dhaqameed, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ka-qaybgalka ballaaran ee munaasabadda ayaa muujinayay muhiimadda uu kalfadhigani u leeyahay hoggaaminta iyo horumarka degmada.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa si gaar ah u adkeeyay kaalinta Golaha Deegaanka ee hagidda iyo dardargelinta howlaha horumarineed, amniga iyo adeegyada aasaasiga ah ee degmada. Waxay xuseen in goluhu yahay hay’ad muhiim u ah xiriirka u dhexeeya maamulka iyo bulshada, kana shaqeysa danta guud.

Sidoo kale, masuuliyiintu waxay uga mahadceliyeen bulshada Gaalkacyo taageerada joogtada ah ee ay u hayaan Golaha Deegaanka iyo dadaallada horumarineed ee ka socda degmada. Waxay ku boorriyeen in la sii xoojiyo wada-shaqeynta, si kalfadhigan looga soo saaro go’aanno wax ku ool ah oo wax ka tari kara horumarka iyo xasilloonida Degmada Gaalkacyo.