Gaalkacyo: Gollaha Deegaanka oo Duq u Doortay Xuseen Dambalaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa maanta degmada Gaalkacyo ku qabatay doorashada guddoomiyaha cusub…

14 September, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa maanta degmada Gaalkacyo ku qabatay doorashada guddoomiyaha cusub ee degmada. Golaha deegaanka ayaa si xor ah ugu codeeyay musharixiinta iyadoo doorashada lagu tilmaamay mid dimuqraadi ah oo hufan.

Doorashadan waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Khaliif Faarax saraakiil ka socday waaxyaha wasaaradda, maamulka gobolka Mudug, wakiillo ka socda Galmudug, xubno ka tirsan golaha deegaanka, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wareegii ugu horreeyay ee codbixinta waxaa ku tartamay saddex musharax oo kala helay Xuseen Cabdi Maxamed (Danbalaas) 17 cod, Cabdiraxmaan Axmed Daahir 8 cod, iyo Bashiir Cabdicasis Warsame 7 cod. Doorashada markii lagu celiyay wareegga labaad ayaa Danbalaas ku guuleystay guddoomiyenimada isagoo helay 21 cod halka Cabdiraxmaan Axmed Daahir uu helay 11 cod.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah, waxaana xigay xaflad kooban oo lagu dhaariyay guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid ku dhacday jawi degan oo muujinaya horumarka dimuqraadiyadda Puntland.

Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa bogaadiyay shaqadii guddoomiyihii hore Maxamed Cabdirisaaq Warsame, iyagoo ku ammaanay doorkiisa horumarinta iyo nabadgelyada degmada. Sidoo kale, waxay ku booriyeen guddoomiyaha cusub inuu xoojiyo wada shaqaynta bulshada iyo hay’adaha dowladda si loo dardargeliyo adeegyada muhiimka ah ee Gaalkacyo.