Gaalkacyo: Kiis kale Gabadh dhimatay oo Isbitaal eedeysane u yahay.

11 December, 2025

Maalmahii u dambeeyey waxaa baraha bulshada qabsatay hadal haynta kiis dhimasho ka dhalatay arrimo caafimaad, kiiskan…

Maalmahii u dambeeyey waxaa baraha bulshada qabsatay hadal haynta kiis dhimasho ka dhalatay arrimo caafimaad, kiiskan oo hada yaala maxkamada darajada koowaad ayaa waxaa dhibane ka ah ehelada Marxuumad Najax Maxamuud Aadan, oo ku eedeynayaan in qalad caafimaad uu sameeyey dhakhtar ajnabi ah oo ka howlgala Shifo Hospital Gaalkacyo Dr. Maamoon Ameen Hizam.

Shifo Hospital ayaa xalay baahiyey muuqaal ay uga waramayaan xaalada kiiskan iyagoo ku sheegay in eedaha qoyska ay yihiin been abuur iyo siyaasad, iyagoo ku adkeystay in Najax aysan ku dhiman gudaha isbitaalka. Waxay sheegeen in markii marxuumaddu timid ay qabatay caabuq sanka ah, baaritaan kadibna xanuunku uu si degdeg ah u faafay taas oo keentay in ehelada lagu wargeliyo in aan gudaha dalka wax looga qaban karin, sidaasna loogu qaaday magaalada Wardheer ee Itoobiya halkaas oo ay ku geeriyootay.

Ehelada Marxuumad Najax Maxamed Aadan ayaa si faahfaahsan uga waramay maanta kiiska geerida gabadhooda, iyagoo sheegay in ay ku adkaysanayaan in dhimashadu ay ka dhalatay qalad caafimaad oo ka dhacay intii ay ku jirtay Shifo Hospital ee magaalada Gaalkacyo. Ehelku waxay sheegeen in kiiskan uu haatan yaallo Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaalkacyo, islamarkaana ay doonayaan in cadaalad buuxda laga gaaro geerida Najax.

Qoyska Marxuumadda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay difaacyadii iyo bayaannadii uu isbitaalku soo saaray, iyagoo ku eedeeyay maamulka Shifo Hospital in ay isku dayayaan in ay hoos u dhigaan masuuliyadda ka saaran kiiskan. Ehelku waxay ku celceliyeen in bulshada iyo garsoorkuba ay xaq u leeyihiin in la ogaado waxa dhacay iyo cidda ka masuulka ah.

Dhageysiga kiiska oo lagu waday inuu ka dhaco Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaalkacyo ayaa baaqday, sida ay sheegeen ehelada marxuumadda oo sheegay in lagu wargeliyey dib u dhaca balse aan loo sheegin sababta dhabta ah. Ehelku waxay dalbanayaan in maxkamadda si degdeg ah u bilowdo garmaqalka si ay u helaan cadaalad.