Munaasabadda xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug ayaa kulmisay mas’uuliyiin ka…

Munaasabadda xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug ayaa kulmisay mas’uuliyiin ka kala socday Puntland iyo Galmudug, taas oo muujinaysa wadashaqayn iyo isku soo dhawaanshaha. Kulanka oo Gaalkacyo ka dhacay wuxuu ahaa mid ifafaalo wadajir muujinaya.
Mas’uuliyiinta goobta joogtay waxaa ka mid ahaa guddoomiyayaasha gobolka Mudug iyo duq degmada Gaalkacyo ee labada dhinac, wasiirka maaliyada Puntland iyo sidoo kale xubno ka tirsanaa garsoorka, maamulka Puntland, nabadoonnada iyo ururada bulshada. Munaasabadda ayaa u muuqatay mid mideysay hay’ado badan oo gobolka kawada shaqeeya.
Gaalkacyo ayaa ah magaalada kaliya ee ay kawada taliyaan labo maamul Goboleed waxaana sanadihii u dambeeyey socday xiriir isku soo dhawaansho ah iyagoo iska kaashanayey dhanka amniga waxaana jira ciidan isku dhaf ah oo labada maamul laga soo xulay aadna uga shaqeeya amniga iyo inay kala dhex galaan dagaalo miyiga ka dhaca.
Magaaladan waxay soo martay dagaalo dhowr ah oo dhexmaray maamulada Puntland iyo Galmudug sanadahii 2015 iyo 2016, waxaana heshiis rasmi ah laga gaaray 2017 ilaa wakhtigaas waxaa sii kordhayey xiriirka labada maamul.



