Gaari ay leeyihiin ciidanka Puntland oo lagu weeraray Cal-miskaad.

21 April, 2026

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhabbe-gal ah oo habeenimadii xalay kooxda Daacish ku…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhabbe-gal ah oo habeenimadii xalay kooxda Daacish ku qaadday gaari ay lahaayeen ciidanka difaaca dowladda Puntland.

Weerarkaan oo ka dhacay deegaanka Daraymadoobe ee togga Jaceel oo u dhexeeya Dhaadaar iyo Tuurmasaale, ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyoodey hal askari, halka la waysan yahay hal dhakhtar oo la socdey gaariga.

Saraakiisha ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaan weli ka hadlin weerarkaan iyo mid habeen kahor lagu qaaday ceelbiyood ay dhawaan dowladdu ka hirgelisey deegaanka Dhaadaar ee buuraleeyda Cal-miskaad.

Deegaannadaas waxaa ka go’aan isgaarsiin teleefoonka oo ay dhawaan jartay kooxda Daacish, taasi oo yaraysay wararka madaxa-banaan ee laga heli karo xaaladda deegaanka.