Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa siweyn ugu dhaliilay Madaxda dowlad goboleedyada dowladaha…

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa siweyn ugu dhaliilay Madaxda dowlad goboleedyada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Somalia inay caqabad ku yihiin hanaankii federalka ee dalka.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in qaar kamid ah madaxdii dowlad goboleedyadu ay ku takri faleen awooddii dowladnimo ee laga soo wareejiyey Magaalada Muqdisho.
“Nidaamka federaalisimka dalka waxaa halleeyey maamul goboleedyada oo noqday maxmiyado, awooddii Xamar laga soo qaaday waxay ku haystaan Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo, shaqsiyaad ayaa ku tagri falaya dowladnimada, shacabkiina waxay u sheegeen in dowladda dhexe cadow u tahay” , Ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas.
Gaas, ayaa ahaa hoggaamiyihii sameeyey madashii ugu horreysey ee dowlad goboleedyada oo ka soo horjeeddey xukuumaddii Somalia, xilligii uu ahaa Madaxweynaha Puntland.



