Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gabar dhalinyaro ah oo habeenimadii xalay lagu diley mid…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gabar dhalinyaro ah oo habeenimadii xalay lagu diley mid kamid ah xaafadaha Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Gabadha geeriyootey oo lagu magacaabi jirey Saabiriin Liibaan, ayaa la diley xilli ay saarnayd gaari nooca raaxada ah oo marayey jidka sodonka galbeed iyo waddada gasha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa Horseed Media u sheegay in dilka gabadhaan lala xiriirinayo inay ka dambeeyaan rag isticmaala waxyaabaha maanka dooriya oo ku soo badanayey Magaalada Boosaaso.
Laamaha ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aaddan kiiskaani ay jawaan ka bixin doonaan xilliga ku habboon ee baaritaanku soo dhammaado.



