Gabar Soomaaliyeed oo ku biirtay barlamaanka wadanka Ingiriiska.

Sagal Cabdiweli oo ah asal ahaan ka woo jeedda Soomaaliya kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee UK…

9 October, 2026

Sagal Cabdiweli oo ah asal ahaan ka woo jeedda Soomaaliya kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee UK (Labour Party), ayaa ku guulaysatay doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Holborn and St Pancras ee magaalada London, taas oo dhacday Khamiistii, 8-dii Oktoobar 2026, taas oo u suuragelisey inay xubin ka noqoto Baarlamaanka Boqortooyada Midowday, iyadoo ku guulaysatay kursi uu hore u haystay Ra’iisul Wasaarihii UK, Keir Starmer.

Sagal ayaa doorashada ku heshay 12,292 cod, oo u dhiganta 45% codadka la dhiibtay, halka musharraxa la tartamayey ee Zack Polanski, oo ka socday Xisbiga Green Party, uu helay 8,928 cod, io u dhiganta 33%. Sidaas ayay Sagal ku gaadhay guul ay kaga hormartay ninkii ay sida dhow ugu tartamayeen 3,364 cod, taas oo Xisbiga Labour u suuragelisay inuu sii haysto kursigaas muhiimka ah ee baarlamaanka.

Sagal ayaa horay u ahayd hoggaamiyaha Golaha Deegaanka Camden ee London, halkaas oo ay ka soo qabatay xilal siyaasadeed oo heer deegaan ah. Waxay UK timid iyadoo qaxooti carruurnimo ah, waxayna asal ahaan ka soo jeeddaa Soomaaliya, waana tallaabo muhiim ah oo ay ka qaaday waayo-aragnimadeeda siyaasadeed, iyadoo hadda fursad u heli doonta inay ka qayb qaadato doodaha, sharci-dejinta iyo go’aannada saamaynta ku leh shacabka UK.