Gabdho Hormuud u Noqday Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir

In ka badan 45,000 oo arday ayaa sanadkan galay Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir, iyadoo natiijada la shaaciyay ay soo bandhigtay saddexda arday ee ugu sarreeyay tartanka.

9 August, 2026

Sumayo Xasan Abshir Aadan ayaa noqotay ardayda ugu dhibcaha badan, iyadoo ku guuleysatay kaalinta koowaad. Waxaa ku xigtay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed oo gashay kaalinta labaad, halka Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi uu galay kaalinta saddexaad.

Kala sarreynta saddexda arday ayaa noqotay qeybta ugu weyn ee natiijada, iyadoo ardayda kaalmaha hore gashay lagu abaalmariyay dadaalkooda iyo waxqabadkooda waxbarasho.

Marka laga yimaado tartanka kaalmaha hore, natiijada guud ayaa muujisay in inta badan ardaydii imtixaanka gashay ay ku guuleysteen inay gudbaan. 44,017 arday ayaa baastay imtixaanka, halka 1,435 arday ay ku dhaceen, taasoo ka dhigan 3.2 boqolkiiba tirada guud.

Horseed Media